Kandıramazsın Beni [Selam Yalnızlık] [Somali translation]
Kandıramazsın Beni [Selam Yalnızlık] [Somali translation]
Mucaashaqu markuu jeclaa, xiisihii markuu dhamaaday
Wax walba markii ay u muuqatay in ay sidoodii yihiin
Albaabka markii la soo garaacay oo waagu baryayey
Oo aan weydiinayey "Xagee baad ka timid iyo Sidee ku dhacday"?
Wejigiisa daalka ka muuqda iyo udgoonkeedii oo dushiisa ka soo uraaya
Ma sidaan bay ku dhamaan? Xanuunka khayaanadaada ma gudbi doonaa?
Jaceylka in la waardiyeeyo muu u baahan yahay? Jaceylku micno maba leh miyaa?
Kalsoonidaad baabi'isay dareenkeeda ma kuu fiican yahay?
Ima khayaani kartid, Ima aamusin kartid, Ima joojin kartid
Anigaa xun adna waa fiican tahay miyaa?
1, 2, 3, 4 Haye (Intaas bey iga tahay)
Ka badan ma xamili karo
La joogaaga iyo la'aantaada, Cidna lama wadaagayo (dhaawacaas) X2
Salaan, kalinimooy waa ikan anigaa imid
Xoogaa baan ooyaa, xoogaa baan hurdaa, maalintaas in ay imaaneysay waan iloowaa,
Muddo markey ka soo wareegato, fursadna ay isoo marto ayuu qalbigeyga nafisayaa.
Jaceyl rabitaankiis ma dambi baa? Jaceylku ma rabitaan kumeel gaar ah baa?
Maalmiha quruxda badnaa, eryadai farxadda ku dheehan tahay wax xasuus ah ma leh miyaa?
Jaceylka in la waardiyeeyo muu u baahan yahay? Jaceylku micno maba leh miyaa?
Kalsoonidaad baabi'isay dareenkeeda ma kuu fiican yahay?
Ima khayaani kartid, Ima aamusin kartid, Ima joojin kartid
Anigaa xun adna waa fiican tahay miyaa?
Meeqa ayey dhan tahay (inta mar aad i khayaantay)? Haye
I rumeyso ma xamili karo
La joogaaga iyo la'aantaada, Cidna lama wadaagayo (dhaawacaas)
Salaan, kalinimooy (waa ikan) anigaa imid
Ima joojin kartid
Anigaa xun adna waa fiican tahay miyaa?
1, 2, 3, 4 Haye (Intaas bey iga tahay)
Ka badan ma xamili karo
La joogaaga iyo la'aantaada, Cidna lama wadaagayo (dhaawacaas) X2
Salaan, kalinimooy (waa ikan) anigaa imid
- Artist:Gülben Ergen
- Album:Uçacaksın