Nereden bileceksiniz? [Somali translation]

Songs   2024-05-07 19:25:10

Nereden bileceksiniz? [Somali translation]

Boor baan ku dhex jiraa tin illaa cirib

Horteyda iyo gadaasheydaba ceeryaamo baa qarisay

Garkeygana daxal buu ku dhex jiraa

Idinku sidaan u gubtay xageed ka ogaaneysaan?

Geed yar baan ahaa, waana la i baabi'iyey

Dabeyl baan ahaa, waana la i dejiyey

Waan daalay, aad baan u daalay

Idinku wixii isoo maray (igu soo dhacay) xageed ka ogaaneysaan?

Darbiyo dhagax ka sameysan baan intaan soo dumiyey aan imid

Biro intaan soo kala gooyey baan ımıd

Nolosheydıı ıntaan soo baabıiıyey baan ımıd

Idinku sababtaan u soo baxsaday xageed ka ogaaneysaan?

Cirka xidigaha ayaa ka sii libqaya hadda

Hooyadey aniga ayey i raadineysaa hadda

Qof aan jeclahay baa jira, hadda way dhiig baxeysaa

Idinku sababtaan u cabayo (khamriga) xageed ka ogaaneysaan?

Il biyo leh baan ahaa il dhiig baanse noqday

Wado dhinaceed gurı ku yaal baan noqday

Waan khaldamay aheey waan baaba'ay

Idinku sababtaan u aamusay xageed ka ogaaneysaan?

Talaabo walboon qaado oohin baan ka soo tagay

Afadeydoo oyneysa baan ka soo tagay

Bidixdeydana faaruq baan ka soo tagay

Idinku cidaan u caroonayo xageed ka ogaaneysaa?

See more
Ahmet Kaya more
  • country:Turkey
  • Languages:Turkish, Turkish (Anatolian dialects), Kurdish (Kurmanji)
  • Genre:
  • Official site:http://www.ahmetkaya.com/
  • Wiki:http://en.wikipedia.org/wiki/Ahmet_Kaya
Ahmet Kaya Lyrics more
Ahmet Kaya Featuring Lyrics more
Ahmet Kaya Also Performed Pyrics more
Excellent Songs recommendation
Popular Songs
Copyright 2023-2024 - www.lyricf.com All Rights Reserved